Booliska oo qof dhaawacay Askari ku dilay Suuqa Bakaaraha

0
55

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen Nin dhaawac u geystay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo ku sugnaa isgoyska Bakaaraha.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Ninka la dilay oo ka tirsan Al-shabaab ay wada socdeen Nin kale oo Mooto ku baxsday.

Markii ay dhaawaceen Askariga ayaa Ciidamada dowladda iska hor imaadeen waxaana is rasaaseyn dhexmartay ku geeriyooday mid ka mid ah labada Nin ee weerarka Askariga lagu dhaawacay geystay.

Ciidamadu waxaa  ay sheegeen in Ninka labaad ee la socday Ninka dhintay uu ku baxsaday Mooto ay markii horeba wateen oo ay weerarka ku geysteen.