Guddoomiye ku xigeen hore oo lagu dilay Boondheere

0
12

Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay toogteen Cali Dheere oo horay u ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Dilka kaddib dableydii dilka geysatay ayaa isaga baxsaday goobta waxaana kaddib halkaas tagay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaan kooban ka sameeyay.

Goobta xalay lagu dilay Cali Dheere waxaa Sabtigii lagu dilay Cali Maxamed oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Amniga.

Waxaa halkaas Habeen hore ay Ciidamada dowladda ka qabteen laba Nin oo ka shaqeynayay Maqaayad ku taalla, kuwaas oo lagu tuhmayay in ay ka dambeeyaan dilalka ka dhacayay agagaarka Maqaayadda.