Ciidamada dowladda oo 9 qof oo la tuhmayo ku qabtay duleedka Muqdisho

0
48

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen degaanka Garas Baaleey waxaa ay ku qab qabteen sagaal qof oo lagu tuhmayo in ay xubno ka yihiin AL-shabaab.

Saraakiisha howlgalka fulisay ayaa sheegay in xubnaha la soo qabtay lagu tuhusanyahay in ay AL-shabaab kala shaqeynayeen gudbinta Hubka iyo sahminta goobaha ay ku suganyihiin Ciidamada sugaya Amniga Muqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo joogto ah ka fuliya Muqdisho iyo duleedkeeda waxaana markii uu howlgalkan billowday ay Booliska Soomaaliya sheegeen in ay gacanta ku dhigeen keydkii ugu weynaa Hubka AL-shabaab oo ay sheegeen in lagu aasay Ceelasha Biyaha.

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa dhowr jeer sheegtay in howlgallo laga fuliyay Muqdisho iyo Shabeellaha hoose lagu qab qabtay wax ka badan 200 qof oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.