Maxay puntland ka tiri shirka Garowe ee lagu kala tagay shalay?

0
57

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowald Goboleedka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa sheegay in shirka Garowe ee fashilmay uusan noqon mid halkaas ku dhamaada ee ay isku soo laabtaan hoggaanka ugu sarreeya dalka.

Guddoomiye Dhoobo ayaa sidoo kale ku baaqay in shirarka siyaasadeed ee looga hadlayo masiirka dalka ay muhiim tahay in lagu daro guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad Goboleedyada halkii ay ka qeyb geli lahaayeen madaxda fulinta kaliya.

C/Xakiin Dhoobo ayaa sheegay in maaddaama Madaxda sare ee dalka ay heshiis gaari waayeen ay muhiim tahay in talada lagu daro golayaasha xeer dejinta ee dalka.

Waxaa kale oo uu sheegay in iyada oo xilli adag lagu jiro haddana ay dowladdii iyo dowlad Goboleedyadii ay siyaasad isku mari waayaan ay ayaan darro tahay.