Roobab aad u xoogan oo xalay ilaa saakay ka da’aya Magaaladda Muqdisho iyo Gobolada dalka

0
51

Waxaa xalay Magalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah degmooyinka dalka ka da’ay Roobkii Guga,kaas oo in badan dadka Soomaaliyeed ay wada sugayeen maadaama maalmahaan uu jiray kuleyl daran.

Qaar ka mid ah dadka ku nool xerooyinka Barakacayaasha e ku yaalla degmooyin ka tirsan gobolan Banaadir iyo duleedka Muqdisho,kuwaas oo degan Guryo ka sameysan xooshada ayuu Roobkii xalay saameyn weyn ku yeeshay.

Roobka Guga ayaa markii uu ka da’o qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya,waxaa ka faa’iideysta dad badan oo Beeraley ah,kuwaas oo durba bilaabaya tacbashada Beerahooda si waxyaabah kasoo Go’a ay noloshooda ugu maareeyaan.

Codkabulshada

Xafiiska Muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com