Mashiin shaqada ka eryay soomaali badan oo shaqaale ahaa

0
27

Waxaa laga yaabaa in aad dhowr jeer ciwaannada ku aragteen “Mashiin loo sameeyey inuu la wareego shaqaada mustaqbalka”.

Arrintan ayaa waxaa goor horeba billowday sharikadda weyn ee Amazon – balse ma ahan sida aad u malaynaysid.

Bogga wararka ee The Verge ayaa ogaaday in mashiin otomaatik ah loo adeegsanayo in uu kormeero oo shaqada uu ka eryo shaqaalaha ka shaqeeya sharikadda Amazon ee xarumaha la socodka shaqaalaha.

Waxa uu ku salaysan yahay heerka wax soo saarka, sida laga soo xigtay macluumaad uu helay boggaas.

Sharikaddan weyn ee online-ka wax ku iibisa ayaa waxaa jiray in marar badan laga sheegaynayey mushaarka ay bixiso oo yar iyo in duruufo adag ay shaqaaluhu ku shaqeeyaan.

Mashiinno dadka ula dhaqmaya sidii mashiinnadii

“Mashiinno ayaa dadka ka shaqeeya Shirkadda Amazon ula dhaqamaya sidii mashiinnadii”, ayuu yidhi Stacy Mitchell, oo katirsan Mac-hadka Local Self-Reliance, oo u qareema ganacsiga maxalliga ah.

Majirto caddayn ku filan oo loo hayo bartilmaameedka loo asteeyay shaqaalaha , heerka wax soo saarka ama heerka shaqa mashiinku ay gaarsiisan tahay.

Jawaabta kaliya ee sharikadda Amazon ay siisay BBC-da, iyo inta badan hay’adaha kale ee warbaahinta, waa sidaan:

” Run ahaantii dhab ma ahan in shaqaalaha shaqada looga joojinayo nidaam otomaatic ah. Si lamid ah sida sharikadaha kaleba, waxaan leenahay bartilmaameed ku aaddan wax soo saarkeenna iyadoon la eegayn in shaqaaluhu ay yihiin kuwo sharikadda ka shaqeeya ama xaruma la socodka shaqaalaha”.

Qofna waligeen shaqada ma aannaan ka eryin annagoon marka hore hubin in ay heleen taageeradeenna oo buuxda, oo ay kamid tahay in aan gacan ka siinno sidii ay shaqadooda u hagaajin lahaayeen.

Maadaama aan nahay sharikad dhaqaale ahaan koraysa, waa mas’uuliyad na saaran in aan hubinno fursado aan ku hormarin karno shaqaale waqti dheer noo shaqeeya.”

Codkabulshada

Xafiiska Muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com