Musiibada Qoom Waa Faa’iidada Qoom Kale! Real Madrid Oo Ka Faa’iidaysanaysa Dhibta Man United.

0
64

Real Madrid ayaa war fiican ka heshay xaalada musiibada ah ee Manchester United ku habsatay waxayna hadda Madrid haysataa fursad wayn oo ay Pual Pogba kula wareegi karto.

Kadib markii ay Manchester United si rasmi ah u seegtay u soo bixitaanka UEFA Champions League ee xili ciyaareeda soo socda, Real Madrid ayay laba fursadood ugu soo kordheen xiisihii ay ku doonaysay saxiixa Pual Pogba.

Laba arimood oo fashilka Man United ee xili ciyaareedkan salka ku haya ayaa Pual Pogba hadda ku riixaya in uu go’aan ka qaato mustaqbalkiisa Old Trafford isla markaana uu gaadho riyadiisa ah in uu Zinedine Zidane kula shaqeeyo Real Madrid.

Ka hadhitaankii Man United ee Champions league ayaa sabab u noqonaya in Pual Pogba uu sii xoojiyo rabitaankii uu ku doonayay in uu iskaga baxo Man United isaga oo sida uu ciyaartoy kastaaba jecel yahay doonaya in uu Champions League ka ciyaaro.

Laakiin waxaa jirta sabab labaad oo dhaqaale maadaama oo ay Man United boqolkiiba 25% hoos u dhigi doonto mushaarka ciyaartoyda kooxdeeda kadib markii ay u soo bixi wayday Champions League taas oo Pogba iyo xidigaha la midka ah saamayn ku yeelan karta.

In Pual Pogba aanu Man United xili ciyaareedka soo socda ka heli doonin kubbada cagta Champions League iyo waliba in musharkiisa boqolkiiba 25% hoos loo dhigi doono ayaa Real Madrid u ah dabin xoogan oo ay ku soo qabsan karto xidiga reer France.

Manchester United ayaa hadda halis ugu jirta sidii ay ku sii haysan lahayd ciyaartoyda ugu magaca wayn kooxdeeda kuwaas oo doonaya in ay raadsaadaan kooxo ka ciyaaraya Champions league.

Real Madrid oo markii horeba diyaar u ahayd in ay Pual Pogba ka dalbato Man United ayaa hadda haysata fursad ka badan intii hore oo uu Pual Pogba ku aqbali karo in uu suuqa xagaaga ku biiri karo Bernabeu.

Laakiin dhibta ugu wayn ayaa ah in Man United ay lacag badan dul dhigi doonto madaxa Pual Pogba si ay Old Trafford ugu sii hayn karto mana jirto lacag heshiiskiisa Man United lagu burburin karaa.

Man United ayaa go’aan ka gaadhi doonta xaalada David De Gea kaas oo kaga walwal badan Pual Pogba maadaama oo heshiiska De Gea uu galayo sanadkii ugu danbeeyay isla markaana uu kooxda si xor ah kaga bixi karo haddii aan xal loo helin.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatada Man United ka soo gaadhay ka hadhitaankii Champions League ayaa hadda maamulka Madrid ku sii dhiiro galinaysa in ay Pual Pogba ka soo dajiyaan Santiago Bernabeu.

Codkabulshada

Xafiiska Muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com