Liverpool Oo Maanta Baadhitaan Ku Samayn Doonta Xaalada Mohamed Salah Si Go’aan Looga Gaadho Ka Qayb Galkiisa Kulanka Barcelona.

0
27

Liverpool ayaa maanta oo isniin ah samayn doonta baadhitaano dheeraad ah si loo hubiyo xaalada Mohamed Salah ee kadib dhaawicii kulankii Newcastle United ku soo gaadhay.

Mohamed Salah ayaa dhaawac madaxa ah looga saaray kulankii sabtidii ee ay Liverpool guusha ka soo gaadhay kooxda Newcastle United laakiin xaaladii Salah garoonka looga dhex qaaday iyo sida uu isku badalay waqti kooban kadib ayaa rajo u abuurtay Reds.

Iyada oo dhaawacyada madaxa ahi ay yihiin kuwo ka halis badan isla markaana taxadar dheeraad ah laga sameeyo, ayay maanta oo isniin ah Liverpool samayn doontaa baadhitaan buuxa oo lagu hubinayo caafimaadka iyo taam ahaansha Salah.

Jurgen Klopp ayaa si buuxda u sugi doona go’aanka kama danbaysta ah ee shaqaalaha caafimaadka kooxdiisa laakiin waxa uu filayaa in Mohamed Salah uu diyaar u noqon karo kulanka Barcelona ee habeen danbe.

Jurgen Klopp oo xaalada Mohamed Salah ka hadlayay kadib kulankii Necastle United ayaa yidhi: “Dhakhtarku waxa uu aatay go’aan, wuxuu go’aanku ahaa in uu isaga garoonka ka saaro”.

“Markii aanu nimid waxa uu isagu (Salah) fadhiyay qolka labiska oo uu ciyaarta ku daawanayay. Waxa uu u muuqday in uu fiican yahay, laakiin waxaa waajib ah in aanu sugno”.

Baadhitaanka isniinta maanta ee ay Liverpool ku samayn doonto xaalada Mohamed Salah ayaa kala xaqiijin doonta haddii uu xidiga reer Masar diyaar buuxa u yahay kulanka lugta labaad ee Champions league oo muhiimad wayn u leh kooxdiisa Reds.

Laakiin haddii ay shaqaalaha caafimaadku ku taliyaan in Mohamed Salah aan halis la galin, waxay markaas Liverpool dhex gali doontaa musiibadii xili ciyaareedkan ugu waynayd oo ay hal mar wada lumin doonto Mohamed Salah iyo Roberto Firmino.

Roberto Firmino ayay isaga hubaal tahay in uu seegayo kulanka Barcelona iyada oo aan xataa rajo laga qabin in uu ciyaari doono kulanka Premier league ugu danbeeya ee Wolves waxayna hore Liverpool u lumisay Naby Keita.

Waxaa haddaba lays waydiinayaa qaabka uu Jurgen Klopp ku buuxin doono booska Mohamed Salah iyo Roberto Firmino haddii uu Salah awoodi waayo in uu taam buuxa u noqdo kulanka Barca balse marka hore waxaa la sugyaa go’aanka dhakhaatiirta iyo in uu maanta tababarka ka qayb gali karo.

Codkabulshada

Xafiiska Muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com