Labadan Kooxood Ayaa Abid Iigu Adkaa- Pep Guardiola Oo Magacaabay Kulamadii Ee Waayihiisa Ugu Adkaa.

0
171

Pep Guardiola ayaa soo bandhigay labadii kooxood ee abid waayihiisa tababaranimo ugu adkaa ee uu ka hor yimid wuxuuna sharaxaad ka bixiyay tartanka ay koobka Premieer league ugu jiraan.

Guardiola ayaa tilmaamay in Liverpool iyo kooxdii Luis Enrique ee Barcelona ay ahaayeen labadii kooxood ee ugu adkaa ee uu abid ka hor yimid wuxuuna sidoo kale ka hadlay in uu u han wayn yahay in uu Liverpool la tartamo.

Pep Guardiola ayaa ka hor kulanka Leicester City sheegay in kooxdiisa Man City ama Liverpool ay koobka ku guulaysan doonto balse ay kooxda kaalinta labaad gashaa gurigeeda tagi doonto iyada oo murugaysan.

Liverpool iyo Man City midkii kaalinta labaad ku dhamaysataa waxay noqon doontaa kooxdii abid ugu nasiibka xumayd Premier league ee dhibcaha ugu badan kaalinta labaad ku gali doonta.

Halkan hoose ka akhriso faah faahinta waxyaabihii uu Guardiola ka hadlay ka hor kulanka caawa ee Leicester Ciy iyo qodobada uu sharaxay.

“Waa horyaalkii ugu adkaa abid oo aanu shaki ku jirin tayada ka imanaysa kooxaha naga soo hor jeeda. Taasi waa sababta uu cajiib u yahay. Hal mid oo kaliya ayaa koobka qaadi doonta, takalena waxay guriga tagi doontaa iyada oo murugaysan”.

“Joogitaanka halkan-waxaa waajib kugu ah in aad guulaysato si aad amaan badan u hesho, waxaan sheegi karaa in 100 dhibcood ay ahaayeen wax xun, laakiin waxaad amaan ku helaysaa sida ay kooxda kaa soo horjeedaa u wayn tahay”.

“Waayahayga tababaranimo, waxaan la soo ciyaaray kooxo layaableh, gaar ahaan laba- kooxdii Luis Enrique ee Barcelona iyo Liverpool. Iyagu waa labadii kooxood ee ugu fiicnaa ee aan abid ka hor imid”.

“Farqigu waa Liverpool, shaqo la mid ah ayaanu qabanay (xili ciyaareedkii hore). Dhamaan kooxaha, ciyaartoyda ayaa dabcan ah sababta. Waxaan filayaa in aanu joogtaynay heer la mid ah ee aanu awoodnay in aanu samayno”..

“Hal dhibic ayaanu horaynaa, waxaan arkay sidii ay Liverpool u ciyaartay Camp Nou inkasta oo ‘Wow aanu anaguna heerkaas nahay’ hal kulan ayay Premier league guuldaraysteen, waxayna hadda joogaan Semi-finalka Champions League”.

“Laakiin waxaanu 20 dhibcood in ka badan ka saraynaa kaalinta saddexaad, anigu ma filayo in heerkaas la joogtayn karo. Marka aad 100 dhibcood hesho, qof kastaaba waxa uu ka fikirayaa in aanaan samayn wixii aanu samaynay (xili ciyaareedkii hore)”.

” Saddexdii maalmoodba dhamaan tartamada oo dhan waxaanu isku daynay in aanu ciyaarno oo aanu isku daynay in aanu guulaysano, mararka qaar ma dhacdo, waxaanu aqbalnaa marka aanu guuldaraysano”.

“Soo gaadhitaanka heerkan ee ay laba kulan noo hadhsan yihiin, in aad halkaas joogto ayaa ah qanacsanaanta ugu badan ee aan ka tababare ahaan haystay iyo in aanu markale samaynay. Waxaanu isku dayi doonaa in aanu ciyaarta guulaysano oo aanu tagno Brighton iyada oo ay gacmahayaga ku jirto”.

Codkabulshada

Xafiiska Muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com