HORDHAC: Man City Vs Leicester City- Sky Blues Oo Imtixaankii Ugu Danbeeyay Maraysa Iyo Jamaahiirta Reds Oo Brendan Rodgers Caawin Ka Sugaya.

0
63

Mid mid ayay Manchester City u nadiifisay koox walba oo la soo hordhigay horyaalka Premier League, waxaana ay isbuuc walba niyadjab ku rideysay taageerayaasha Liverpool oo haminaya inay horyaalka Premier League qaadaan markii ugu horeysay abid.

Man City waxa ay kulanka ugu danbeeya xilli ciyaareedka la ciyaareysaa kooxda badbaaday ee Brighton sidaasi darteed rajada ugu danbeysa ee Liverpool waa kooxda ay caawa City la ciyaareyso ee Leicester.

Leicester waxa ay heystaa hubkii ayaa Liverpool ku duceysanayeen. Waxaa tababare u ah Brendan Rodgers oo macalin u soo ahaa Liverpool islamarkaana uu ciil ka hayo in City ay horyaalka ka qaaday shan xilli ciyaareed ka hor, waxaa Leicester jooga Jamie Vardy oo kalsooni ku ciyaaraya, Leicester waa koox durbaba hal jeer garaacday Manchester City xilli ciyaareedkan.

Manchester City ayaan weli waqtiga caadiga ah ku garaacin Leicester City xilli ciyaareedkan, waxaa laga badiyay kulankii King James oo 2-1 ay Leicester ku badisay, waxaana City uga badisay kulankii Carabao Cup rigoore.

Leicester City ayaa raadineysa inay markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1986-87 inay Man City ka badiso labada kulan ee xilli ciyaareedka horyaalka.

28 gool ayay iska dhaliyeen labada kooxood todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen Etihad Stadium taasoo la micno ah celcelis ahaan kulan walba afar gool.

 Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Kubadsameeyaha Manchester City Kevin de Bruyne ayaa seegi doona kulankii seddexaad oo isku xiga caawa sababo la xiriira dhaawac muruqa ah oo uu qabo.

Xiddiga khadka dhexe Fernandinho ayaa isna weli ka soo bogsanaya dhaawac jilibka, shaki ayaana ku jira inuu ciyaari karo caawa, halka goolhaye Claudio Bravo uu muddo dheer garoomada ka maqnaa.

Tababaraha Leicester City Brendan Rodgers ayaa sheegay in kooxdiisa aysan qabin wax dhaawacyo cusub ah.

Ciyaartoyda kaliya ee ka maqan waa Daniel Amartey iyo Matty James.

Xogta Kulanka

Kulanka: Manchester City vs Leicester

Garoonka: Etihad Stadium

Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Mike Dean

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man City (4-5-1): Ederson; Walker, Laporte, Kompany, Zinchenko; Sterling, Bernando Silva, Gundogan, David Silva, Leroy Sane; Sergio Aguero.

Leicester City (4-2-3-1): Schmeichel; Chilwell, Evans, Maguire, Pereira; Choudhury, Ndidi; Maddison, Tiellemans, Albrighton; Jamie Vardy

Codkabulshada

Xafiiska Muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com