Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Xaalada Dhaawicii Mohamed Salah Ku Soo Gaadhay Kulankii Newcastle United.

0
77

Jamaahiirta Liverpool ayaa xalay la kulmay naxdin wayn kadib markii uu Mohamed Salah soo gaadhay dhaawac miyir doorsoon ah isla markaana garoonka looga dhex qaaday intii lagu jiray qaybtii labaad ee kulankii Newcastle United.

Jamaahiirta Liverpool ayaa si wayn ugu dheg taagayay in ay xog ka helaan xaalada dhaawicii Mohamed Salah uu isla dhaqaajin kari waayay laakiin hadda waxay jamaahiirta Reds helayaan war aad u fiican kaas oo ah in Mohamed Salah ay xaaladiisu aad u degan tahay.

Shaqaalaha caafimaadka Liverpool ayaa ku guulaystay in ay xaalada Mohamed Salah caadi ku soo celiyaan, waxaana laga maarmay in cisbitaal loola cararo taas oo keentay in lugihiisa uu ku dhaqaaqay isla markaana uu si caadi ah u sheekeeyay.

Mohamed Salah ayaa qolka labiska kooxdiisa Liverpool ku daawaday dhamaadkii ciyaartii Newcastle United wuxuuna kadib la sheekaystay Jurgen Klopp oo xaaladiisa ka waraystay iyo waliba ciyaartoyda kooxdiisa Liverpool.

Liverpool ayaa Mohamed Salah siisay muddo uu qolka labiska ku sii nagaaday laakiin ugu danbayn waxa uu qayb ka noqday ciyaartoyda kooxda Liverpool ee ka soo baxay Newcastle isaga oo si cadaadi ah u socda isla markaana ay xaaladiisu caadi ku soo noqotay.

Sida aad muuqaalka hoose ka arki karto, Mohamed Salah ayaa si caadi ah oo dhibaato la’aan ah u socda waana muuqaal aad uga farxiyay jamaahiirta kooxdiisa Liverpool oo hadda rajo wayn ka qaba in uu xataa ciyaari doono kulanka Barcelona ee talaadada.

Dhaawaca Mohamed Salah madaxa ka soo gaadhay ayaa noqday jug uu la wareeray laakiin waxay noqotay mid aan intaas dhaafsanayn laakiin wali Liverpool ayaa doonaysa in ay xaalada Mohamed Salah si buuxda u baadho oo ayna wax halis ah galin.

Tababare Jurgen Klopp ayaa qiray in xaalada Mohamed Salah ay fiican tahay isla markaana uu xaaladiisa waydiiyay laakiin waxa uu cadeeyay in ay wali waajib ku tahay in ay sugaan inta ay ka hubinayaan xaalada Salah oo dhamaystiran.

Laakiin Jurgen Klopp ayaa farxad ka muujiyay in dhaawaca Mohamed Salah aanu halis u ahayn sidii markii hore la filayay taas oo ah waxa ugu fiican ee uu jamaahiirta kooxdiisa u sheegi karayay balse maanta waxa uu Salah mari doonaa baadhitaano xaaladiisa lagu xaqiijinayo.

Codkabulshada

xafiiska muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com