Rafa Benitez Oo Saxafada U Sheegay Hadal Ayna Jamaahiirta Liverpool Jeclaysan Doonin Oo Man City La Xidhiidha..

0
63

Tababarihii hore ee kooxda Liverpool ee Rafa Benitez ayaa xalay sabab u noqon gaadhay in rajada Liverpool ee koobka Premier league ay burburto kadib markii ay kooxdiisa Newcastle United halis wayn ku abuurtay Reds oo xili danbe guul soo gaadhay.

Laakiin marka laga yimaado in Rafa Benitez uu shaqadiisa qabsanayay isla markaana uu sameeyay wax walba oo uu awoodi karayay si uu Newcastle United guul ama barbaro ugu hogaamiyo kulankii Liverpool, haddana jamaahiirta Liverpool ayaan jeclaysan karin dhawr erayo oo uu Benitez sheegay.

Rafa Benitez ayaa halkii laga filayay in uu kooxdiisii hore ee Liverpool uu ku taageero koobka Premier league maadaama oo ay kooxdiisa Newcastle United hadda kala calaf qaadeen, waxa uu muujiyay in aanu Reds koobkan ku taageeri doonin.

Tababare Rafa Benitez oo xidhiidh fiican la soo lahaa jamaahiirta kooxdiisii hore ee Liverpool ayaa hadda u muuqda mid lumin doona soo dhawayntii uu markastaba ka heli jiray Anfield maadaama oo uu ku dooday in uu meel dhex dhexaad ah iska taagayo tartanka Man City iyo Liverpool.

Rafa Benitez ayaa saxaafada u sheegay in uu saaxiibo ku leeyahay Liverpool iyo Man City, taas awgeedna uu tartanka koobka Premier league meel dhexe iska taagayo taas oo ah wax ayna jamaahiirta Liverpool ka filayn macalin kooxdooda waqti dheer ku soo qaatay.

Ugu horayn Rafa Benitez oo ka hadlaya kulankii Liverpool iyo Newcastle United ayaa yidhi: “Waxaa waajib igu ah in aan xirfadle noqdo, kulankan cid kastaaba waxooda ugu fiican ayay iskku dayeen. Xaqiiqdii waan u hanwaynahay, sababtoo ah waxa uu ahaa kulan ka dhan ahaa koox aad u fiican”.

“Waxaanu sii ogayn in uu sidaas noqonayo. Ciyaartoydu wax walba way bixiyeen isla markaana dariiqa oo dhan ayaanu riixnay, jamaahiirtu way u bogeen waxayna waqiga oo dhan ka danbeeyeen iyaga (ciyaatoydiisa)”.

Laakiin uu Benitez ku lumiyay jamaahiirta Liverpool xidhiidhkii fiicnaa ee uu la lahaa ayaa ah: “Intaas kadib, waxaan saaxiibo ku leeyahay Liverpool iyo Manchester City. Waxaa waajib igu ah in aan waqti xaadirkan dhex dhexaad ka noqdo, kaliya aan sugno oo aan eegno waxa dhaca”.

Laakiin taageerayaasha Liverpool ayaa Benitez ka filayn in uu sheegto in uu meel dhex dhexaad ah iska taagayo kooxdii uu soo hogaaminaayy 2004-2010 iyo koox aanu waligii tababare u soo noqon taas oo arin layaableh ku noqotay jamaahiirta Reds