MAAD: Man United Oo 100 Milyan Ku Dalbatay Goolhayaha Liverpool Ee Trent Alexander-Arnold Si Uu David De Gea U Badalo!!

0
62

Kadib markii uu difaaca midig ee Trent Alexander-Arnold uu gacantiisa u adeegsaday in uu Newcastle United kubbad gool noqon lahayd uu kaga joojiyay waxaa laga sameeyay maad cajiib ah.

Trent Alexander-Arnold ayaa halis u galay in kaadhka cas oo toos ah loo taago kulankii Newcastle United isaga oo si cadaan ah gacantiisa ugu celiyay kubbad goolka galisay laakiin nasiibka badbaadiyay ayaa ahaa in garsooruhu sugay in Newcastle ay goolkan wali dhalin karto.

Waxayna Newcastle United awooday in isla fursadii uu Trent Alexander-Arnold gacanta ku soo celiyay ay goolkoodii kowaad ku dhaliyeen, laakiin taasi waxay keentay in laysku xidho gacantii uu Arnold kubbadan ku beeniyay iyo xaalada xun ee uu David De Gea ku jiro.

Baraha bulshada ayaa dareen kala duwan looga bixiyay gacantii uu Trent Alexander-Arnold u adeegsaday joojinta fursadii Newcastle United ee markii danbe goolka noqotay, iyada oo jamaahiirta Man City ay doonayeen in Arnold kaadhka cas loo taago.

Laakiin jamaahiirta kubbada cagta ee aan xiisaha kale u qabin dhacdadii Trent Alexander-Arnold ayaa uga faa’iidaystay in ay David De Gea ugu maadsadaan.

Maxay Ahayd Sababtii Aanu Garsooruhu kaadhka Cas U Siin Arnold?

Sida uu dhigayo sharicga kubbada cagta England haddii uu ciyaartoy kubbada cagta ku celiyo fursad gool ah waa kaadh casaan ah laakiin waxa uu garsooruhu haystaa fursada uu ku sugayo in kooxda goolka gacanta looga celiyay ay wali fursadan isla goolka ku dhalin karto.

Trent Alexander-Arnold waxaa babaadiyay goolkii uu  Christian Atsu ku dhaliyay isla fursadii uu gacanta ku soo celiyay waana arin muhiim u ahayd Liverpool in ay Newcastle United goolkan dhalisay halka ay taas badalkeeda la kulmi kareen laba arimood oo halis ahaa.

Haddii aanu  Christian Atsu goolkan dhalin lahayn kadib gacantii uu Arnold kubbada ku soo celiyay, waxaa ka dhalan lahaa laba go’aan oo kala ah in marka hore kaadhka cas oo toos ah loo taagi lahaa Trent Alexander-Arnold isla markaana Liverpool lagu dhagi lahaa rekoodhe.

Fariimaha De gea iyo Arnold loogu maadsaday waxaa ka mid ah fariintan hoose oo la soo dhigay barta twitterka ee SPORTbible taas oo lagu soo qoray: “DEG-DEG: Manchester United waxay dalab £100 ah dul dhigtay goolhayaha Liverpool ee Trent Alexander-Arnold si uu badal ugu noqdo David De Gea”.

Jamaahiirta kooxda Manchester City ayaan ilaa hadda ku qanacsanayn sharciga uu garsoorihii kulankii Newcastle United uu adeegsaday waxayna ku doodeen in ay waajib ahayd in Trent Alexander-Arnold kaadha cas loo taago.

Codkabulshada

xafiiska muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com