Khuura Sababtay Dilka Haweeney Waayeel ah!

0
65

Haweenay bukaan ah ayaa ku geeriyootay isbitaalka ku yaalla magaalada Kingiston ee dalka Ingiriiska, kadib markii ay dhaawac daran u geystay haweenay kale oo ay isbitaalka ay ku wada jireen.

Sida ay sheegtay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Elin Banting, isbitaalka ayey jiiftay maadama ay la dhibaatooneysay xanuun dhanka habdhiska dheefshiidka ah.

Jariidada ayaa tilmaantay in Banting ay soo weerartay haweenay kale oo bukaan ah oo ay isku qol jiifeen, waxeyna u dhimatay khuuradeeda darteed. dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in haweenayda nabarka geysatay ay marwalba ka caroon jirtay khuurada Elin, oo habeenkii ay ku adkeyd iney ka seexato.

Haweenaydan 64-jirka ah ayaa waxey la kulantay weerar saqbar habeen oo finjaan madaxa looga kala baray.

Wiil ay dhashay haweenaydan dhibanaha ah ayaa sheegay in weerarka hooyadii lagu soo qaaday uu ahaa mid ku talogal ah, madaxeeda waxaa laga tolay 14 qodob si dhiigga loo joojiyo.

Muddo labo isbuuc ka yar ayaa Elin ay ku geeriyootay iyadoo sababsatay dhawicii cuslaa ee ka soo gaaray madaxeeda oo ay sababsatay.

Codkabulshada

xafiiska muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com