Hal Ciyaartoy Oo Ceeb La Kulmay, Xaqiiqooyinkii La Diwaan Galiyay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool Iyo Newcastle United.

0
80

Liverpool ayaa ka soo badbaaday imtixaankii  St. James’ Park waxayna saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Newcastle United oo dagaal xoogan cadaadis ugu abuurtay Reds.

Liverpool ayaa guushan ku soo gaadhay 3-2 iyada oo Divock Origi uu noqday geesiga Liverpool markale ka badbaday xaalada adag waqtigii dhamaadka ciyaarta.

Liverpool ayaa laba jeer goolal ku hormartay intii ayna guusha gaadhin laakiin Newcastle United ayaa laba jeer barbaro keensatay iyada oo Virgil Van Dijk iyo Mohamed Salah ay goolashooda kansaleen  Christian Atsu (20) iyo Salomon Rondon.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Newcastle United ee kulankii ay Reds guusha soo gaadhay.

Xidigii Garoonka: Trent Alexander-Arnold ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu laba gool caawin kooxdiisa u sameeyay isla markaana uu door fiican ka ciyaaray in ay Reds guushan soo gaadhay.

Trent Alexander-Arnold ayaa soo qabtay gool caawintii difaaca kooxdiisa Liverpool ee Andy Robertson kaas oo ay ku tartamaan gool caawinta waxayna hadda wada yeesheen min 11 gool caawin oo Premier league ah waana heerkii abid ugu saraysay ee ay difaaco ka gaadheen gool caawinta premier league.

Laakiin waxaa kulankan ku ceeboobay Dejan Lovern oo habeen aad u xun qaatay, wuxuuna noqday xidiga ugu qiimaynta hooseeya dhamaan ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Newcastle United.

Gani Wijnaldum ayaan isna qiimayn fiican helin halka Origi oo xili danbe ciyaarta badal ku soo galay uu ka mid noqday xidigaha ugu qiimaynta sareeya.

Newcastle: Dubravka (7), Manquillo (7), Schar (7), Lascelles (5), Dummett (7), Hayden (6), Ki (6), Ritchie (7), Perez (6), Rondon (7).

Badalkii: Muto (n/a).

Liverpool: Alisson (6), Alexander-Arnold (7), Van Dijk (7), Lovren (4), Robertson (7), Henderson (6), Wijnaldum (5), Fabinho (6), Salah (7), Sturridge (6), Mane (6).

Badalkii: Shaqiri (6), Origi (7), Milner (6),

Codkabulshada

xafiiska muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com