Magaca “Maxamed” oo Noqday Kan Ugu Badan ee Loo Bixiyo Caruurta Ku Dhalatay Gudaha Berlin 2018

0
18

Magaca “Maxamed” ayaa ugu sare maray liiska magacyada ugu badan ee loo bixiyey dhallaankii dhashay sanadkii hore ee lagu dhalay gudaha caasimadda Jarmalka ee Berlin.

Sida lagu ogaaday tirakoobyadii uu sameeyay ururka Luqadda Jarmalka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno (Gfds), tirada wiilasha dhashay 2018 gudaha Berlin waxey gaareen 22-kun iyo 177 caruur ah.

Cilmibaarisyadii lagu sameeyay magacayada caruurta loo bixiyey ayaa muujinaya in 280 canug oo ku dhashay gudaha magaalada in loo bixiyay magaca “Maxamed”, Halka Magaca Louis/Luis uu noqday kan kaalinta labaad soo gala oo waxaa loo bixiyey 244-canug, sidaas oo kale; waxaa aad u badnaa oo ay dadku isticmaalayeen iney caruurtooda u bixiyaan magacyada Paul, Leon, Noah, Jonas, Elias, Henry, Felix iyo Lukas.

Arrintan waxaa barbar socota cilmibaarisyadii ay sameeyeen ururka luqadda Jarmalka, in magaca “Maxamed”, uu kaalinta labaad ka soo galay magacyada ugu badan ee waalidku ay la jecel yihiin iney caruurtooda u bixiyaan sanadkii hore, gudaha magaalada Berlin.

 

Codkabulshada

Xafiiska Muqdisho

codkabulshadamedia@gmail.com