Duufaan Ciid ah oo Ilbiriqsiyo Gudahood Ku Liqday Magaalo Ay Dad Badan Aadna Looga Shaqeysto

0
34

Codkabulshada_muqdisho|Kaamirooyinka ayaa duubay muuqaal duufaan ciid ah oo dhulka ka kacsan sarren gaaraysa 100 mitir oo ku sii siqaysa dhex bartamaha magaalo shiineys ah oo dad badan ay ku nool yihiin aadna u shaqo badan.

Ilbiriqsiyada muuqaalka ayaa daahrogaya awoodda xooggan ee duufaanta ciidda ah ee liqday magaalada New Barag Rayt Baner ee ku taallada Gudaha Mangoliya, duufaantani waxey burburisay taallooyinkii korontada iyo layrarkii iftiinka wadada kala hagayey, magaaladii oo dhanna ciid ayaa harqisay, waxeyna wax ku dhaceen muddo ilbiriqsiyo ah gudahood.

Gudaha magaalada dadkii waxaa ku adkaatay iney wax arkaan qofku 100-mitir wax ka badan uma jeedo oo ma arki karo, magaaladani waxey ku taallaa degmada Hoolonbooyar ee waqooyiga fog ee Mangooliya, taas oo sidoo kale loo yaqaanno Mangoliyada Shiinaha.

Duufaantan ciidda ah waa markii labaad ee muddo isbuuc ah ku ay dhufutao magaalada, waa sida ay sheegeen warbaahinta shiinaha.

Maamulka Shiinhuhu waxey soo saareen digniin adag oo ku aaddan habka loola dhaqmayo duufaannada ciidda ah ee gobolkaasi uu waajahayo, iyagoo dadka u sheegay iney ka digtoonaadaan in jawiga qalalan uu gubashooyin sababi karo.

Darawallada gaadiidka qeybahooda kala duwan ayaa laga codsaday iney xawaaraha ay ku socdaan ay u xadidaan oo ay si nabadqab ah oo aamin ah ay gawaadhida u kaxeeyaan, gaar ahaan kadib markii ay burbureen tabeellashiii kororntada iyo kuwii loogu talogalay in wadooyinka lagu kala hago.

Askari taraafig ah oo isku dayayey inuu socodka gawaadhisa kala xakameeyo ayaa sheegay in uu arkayay sida ay dabeylaha culus ay saameyn ugu yeesheen isku socodka gaadiidka, halka askari kale uu sheegay inuu dareen san yahay in ciid badan ay afkiisa gashay.

Khubarada saadaalinta hawada ayaa caddeeyey in ciidani ay ka imaaneyso  lama dagaanka Gobi oo isku fidinaya gobolkan ay roobabkiisu aadka u yar yihiin.