Axmed Madoobe”Macquul Maahin in maalin walba tacsi lagu Jiro,Waa In Lala Dagaalamo Al-Shabaab”

0
129

Www.Codkabulshada.com/ Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa markale waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,xilli shalay uu kasoo laabtay Magalada Garoowe.

Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) oo Wariyeyaasha kula hadlayay Kismaayo ayaa sheegay in aysan macquul aheyn in maalin walba tacsi lagu jiro, hayeeshee ay muhiim tahay in lala dagaalamo Shabaab.

Sido aklle Waxa uu sheegay in Shabaab ay yihiin dad nala mid ah laakin maalin walba aysan dad naga dilin oo aan la-dagaalano,waxana uu dowladda ugu baaqay inay bilaawdo dagaalkaas.

Dhanka Kalle Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay doorashada ku soo fool leh Maamulkaas,waxaana uu sheegay in doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo loo asteeyay Bisha agoosto ee Sanadkaan ay waqtigeeda ku dhaceyso.