Dowladda Soomaaliya Oo ka Soo Horjeesatay Shirka Lagu Qaban doono Nairobi Kaas Oo looga Hadlaayo Shidaalka Soomaaliya.

0
89

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa ku baaqay in la joojiyo shir la sheegay in horraanta sannadka soo socda lagu qaban lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayo saliidda, gaaska iyo macdanta Soomaaliya.

Wasiirka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa warqad uu u qoray shirkad lagu magacaabo International Research Network oo la sheegay inay shirkaasi qabanqaabinayo ugu sheegay qoraal ay heshay VOA in wasaaraddu aysan waxba ka ogayn, waxna ka qorshaynin shirkaasi loona baahan yahay in degdeg looga noqdo.

Wasiirka ayaa sidoo sheegay inaanu waxba ka ogayn shirkaasi oo la sheegay oo warqad la sheegay in ay kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha muujisay in shirkaasi Soomaaliya uu ka qaybgali doono Ra’iiusl Wasaaraha iyo Wasiirka batroolka.

Xigasho VOA.