Toogasho Dad badan ey ku dhinteen oo ka dhacday maraykanka.

0
157

Dad tiradooda lagu qayaasay 26 ruux ayaa ku dhimatay 20 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay kiniisad ku taalla goobolka Texas, intii ay dadku ku guda jireen ciibaysiga Axadda.

Weerarkan ayaa ka dhacay kiniisad ku taalla Sutherland Springs oo ah magaalo yar oo ka tirsan deegaanka Wilson.

Dadka dhintay da’doodu waxay u dhaxaysaa 5 sano ilaa 72 sano.

Ninkii looga shakisnaa weerarkan ayaa markii dambe la helay isaga oo mayd ah oo ku jira gaarigiisa oo yaalla meel dhawr kiiloo mitir u jirta kiniisadda.

Booliiska ayaa qofka weerarka gaystay ku sheegay “nin da’yar oo caddaan ah” oo kali ah, laakiin warbaahinta Maraykanka ayaa ku sheegay Devin Patrick Kelley oo 26 jir ah.

By:Abdirisak(BulBul)