Madax weynayaasha Mamul Goboleedyada Dalka Iyo Xilibaanada Aqalka Sare Oo Kulan ku yaashey Muqdisho.

0
136

Kulankan oo ay Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la yeesheen Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay mudane Abshir Maxamed Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare BFS.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aqalka sare ay matalaan dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka Soomaaliya, iyagoo halkaasi ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhawaan ayey  aheed markii lasoo gaba gabeeyay shir mudo 7maalin socday oo u dhaxeeyay Madaxda Dowlada iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka kajirra iyadoo shirka uu kasoo baxay qodabo aad uxasaasi ah.

By:Abdirisak(BulBul)