Alan Shearer” kooxda Man City Waxay ka Wanaagsan Tahay Dhamaan Kooxaha kalle Ee Primer Leage Ka ciyaara Xilli Ciyaareedkaan”

0
222

Halyeyga xulka qaranka England Alan Shearer ayaa aaminsan in kooxaha Man United, Chelsea & Arsenal aysan horyaalka Premier League kula tartami karin Manchester City, kadib markii uu si fiican u daawaday kulamadii ay afartaan kooxood ciyaareen shalayto.

Alan Shearer wuxuu goob joog u noqday guushii ay Citizens ka gaartay Gunners kulan ka dhacay Etihad Stadium, halka Blues ay gurigeeda Stamford Bridge ku ciqaabtay kooxda Man United kulan Jose Mourinho uu markii labaad oo xiriir ah guuldaro kala tagay galbeedka London.

Alan Shearer cabsida ugu weyn ee la qabo haatan ay tahay kooxda Manchester City hadii ay sidaan kusii socoto.

“Waxaan horay u sheegay bilowgii Premier League in Man United ay ku guuleysan karto horyaalka” ayuu yiri Shearer oo maqaal ku qoray The Sun.

“Balse bilowga kooxda Pep Guardiola waa arin kale”

“Booqashada Arsena waxaa la filayay iney tijaabo u tahay Citizens. Balse wax sidaas ah ma aheyn”

“Waqtigaan ma jirto koox la xifaaltami karta City. waan la yaabay bandhigii Man United ciyaartii ay 1-0 guuldaro ah kala kulantay Chelsea. inyar ayey abuureen oo ay isku dayeen goolka”