UAE iyo IGAD Oo Kulan Ku Yeeshay Magaaladda Muqdisho.

0
117

Magaladda Muqdisho Waxaa Kullan Ku yeeshay IGAD iyo UAE kulankaa ayaa looga hadlaayey xaalada soomaaliya, Wakiilka Urur goboleedka ICAD uqaabilsan Soomaliya Mohamed Ali Guyo iyo Safiirka dowladda Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya, Mohammed Ahmed Al Othman.

kulanka intii uusocday waxaa loga hadlayey guud ahaan xaaladda soomaaliya gaar arimaha Amniga iyo dib udhiska Dalka.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay taageeradda dowladda Imaaraadka ay siiso Urur goboleedka IGAD.

Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in dowladiisa ay xoogga saari doonto tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka oo uu sheegay in ay garabtaagan tahay dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in IGAD iyo Imaaraadka Carabta ay ka wada shaqeyn doonaan dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa saameyn Siyaasadeed kuleh Soomaaliya.

Dowllada Imaaraadka ayaa qeyb ka qaadatay dhisida ciidanka Xooga Dalka.

By:Abdirisak(Bulbul)