TALISKA AMISOM”Waxaan Weerar Aan Loo kalla Harrin Ku Qaadi Doonaa AL-Shabaab”

0
184

war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamadda Amison, ayaa lagu qoray iney qaadayaan Dagaal taas looga soo horjeedo Al shabaab.

Tallaabooyinkan ay qaadayaan Ciidanka Amisom ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa is daba-joog ah oo loogu talagalay qaabka ay u howl-galaan ciidmada AMISOM,taasi oo haatan weji cusub loo bedelayo.

War saxaafadeed  ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa lagu sheegay in qorshahan uu la jaanqaadayo dhaqdhaqaaqa ciidamada milatariga Itoobiya ee hadda la arkay iyagoo ka gudbaya xadka Soomaaliya.

Madax hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay toddobaadyada soo socda ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqa istiraatiijiga ah, kaasi oo aan carqaladeynayn doonin bixinta adeegyada nabad-gelyada ee jira, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka Soomaaliyeed.

Qaraarka golaha amniga ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017) wuxuu ku baaqayaa in xaalad ku saleysan si tartiib tartiib ah, looga saaro ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ka dib tababar xoog ah iyo wacyi-gelin siinta ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay taliska Amisom ayaa ku soo beegmaya xili madaxda dowladda Soomaaliya ay kala hadleen sidii loo qaadi lahaa howlgalo cusub oo dalka looga saarayo Shabaab.

Baaqa Dagaalka oo kasoo baxay ayaa ku soo aadaya xilli madax weynaha  dalka uu ku dhawaaqayin laqaadi doono weerar looga soo horjeedo Al shaabaab sidii guud ahaan looga sifeyn lahaaa Dalka.