Tahribiyal Dad Soomaali Ah Ey Ku Jiraan Oo Lagu Qabtay Xeebaha Dalka Turkiga.

0
242

Ciidanka Uqaabilsan illaadada Xeebaha Dalka Turkiga ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen dad watay doni nooca kaluumeesiga oo tiradooda ey gaareesay ilaa 310 Tahriibataal ah.

Doonidaasi ayaa la sheegay in shalay galab lagu joojiyey Xeebta magaalladda Dardanelles ee Galbeedka Turkiga ee Badda Ajiyan, xilli ay ku sii jeeday Xeebaha dalka Giriigga.

Ilaaladda Xeebaha Turkiga waxay sheegeen in Tahriibayaasha la qabtay ay ka soo kala jeedeen Somalia, Syria, Pakistan, Afganistan, Hindi, Iiraan iyo Sri Lanka.

Tahriibayaasha ayaa la sheegay inay badankooda ka soo kala jeedeen Syria iyo Pakistan.

Dhinaca kale, Ilaaladda Xeebaha Turkiga waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 9 Mukhalasiin u kala dhalatay Turkiga iyo Bella Ruusiya, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay Tahriibayaasha si qarsoodi ah ku geyn lahaayeen Xeebaha Giriigga.

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa horey u sheegtay inay in ka badan 867,000 oo Tahriibayaal ah gaareen dalka Giriigga, kuwaasi oo laga tahriibiyey dalka Turkiga.

Dadkan Tahribayasha ayaa doonayey iney katalaaban xeebaha wadanka Turkiga.

By:Abdirisak(BulBul)