Kooxda Liverpool Oo Dhagta Dhiiga Udartay Kooxda Wast Ham United Kuna Garacday Garoonkeeda.

0
123

koxda Liverpool ayaa London Stadium ku soo xasuuqday kooxda West Ham United iyada oo kooxda Klopp dhiiro galin wayn ka heshay soo laabashada Sadio Mane kaas oo soo laabashadiisa dhaawac ku calaamadiyay bandhig cajiib ah isaga oo laba gool caawintooda sameeyay laakiin Mohamed Salah ayaa si buuxda uga faa’iidaystay gool caawinta Sadio Mane wuxuuna ku dhaliyay laba gool halka Oxlade-Chamberlain uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Premier Leaque ee kooxdiisa Liverpool.

Inta Uu kooxda uu ku sugnaa wuxuu dhaliyay labo gool oo kaliya Joel Matip Liverpool halka Lanzini uu dhaliyay goolka madiga ahaa ee ay West Ham kulankan kula timid. Guuldarada wayn ee soo gaadhay West Ham United ayaa sabab u noqon karta in tababare Bilic uu shaqadiisa ku waayi karo.

DAQIIQADII 1 AAD Liverpool ayaa markiiba heshay fursad ay daqiiqadii kowaad ee ciyaarta goolka furitaanka kula iman gaadhay kadib markii uu Roberto Firmino umuuqday in uu shabaqa West Ham gaadhayo laakiin goolhaye Joe Hart ayaa sameeyay gool badbaadin cajiib ah.

DAQIIQADII 9 AAD West Ham ayaa markeeda heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay qaybtii hore ee kulankan la timid kadib markii uu Ayew birta u garaacay Liverpool isaga oo waliba Mignolet u diiday in uu wax badbaadin ah sameeyo laakiin Hammers ayaa nasiib xun lu lahayd in ayna kubbadu shabaqa gaadhin halka Liverpool ay nasiib wanaagsan u ahayd.

DAQIIQADII 21 AAD Liverpool ayaa la timid goolkeeda furitaanka oo si cajiib ah looga soo shaqeeyay waxaana si layaableh iskugu soo xidhmay Sadio Mane oo caawiyaha goolkan ahaa iyo Mohamed Salah oo dhaliyaha goolkan ahaa waxaana kubbad koore ahayd oo uu Lanzini ku soo tuuray goolka Liverpool ay sabab u noqotay in Mane iyo Salah ay si cajiib ah kubbada ugula baxsadaan goolka West Ham taas oo Reds ka caawisay goolka furitaanka.

DAQIIQADII 24 AAD Liverpool ayaa keensatay goolka labaad ee  ay xaalada ugu sii xumaysay West Ham United waxaana goolkan u saxiixay Joel Matip kaas oo si buuxda uga faa’iidaystay qalad xun oo ay markale sameeyeen difaaca West ham iyada oo marka hore Hart uu Mohamed Salah darbo ka badbaadiyay wuxuuna Matip goolkan ku dhaliyay kubbada soo booday waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ugu dheeraysatay.

Mohamed Salah, Sadio Mane oo caawin buuxda ka helayay Chamberlain oo si buuxda u doonayay in uu iskugu muujiyo khadka dhexe ee uu fursada ku soo bilaabsho u helay ayaa nooc kasta oo dhibaato ah ku abuurayay difaaca West Ham.

West Ham ayaa ku dhibtoonaysay in ay kubbad soo gaadhsiiso Ayew iyo Hernandez oo weerarka ka ciyaarayay laakiin Liverpool ayaa raadinaysay goolka saddexaad si ay ciyaarta xili horeba u sii disho balse waxaa qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii ayay West Ham United soo laabtay iyada oo dardar ku socota waxaana ciyaartoyda la soo raaciyay Andy Carroll oo hore Liverpool ugu soo fashilmay waxaana ciyaartoyda West Ham laga reebay Edimilson Fernandes .

DAQIIQADII 55 AAD West Ham ayaa heshay goolka ay sida wayn u doonaysay si ay ciyaarta dib ugu soo laabto waxaana si maskax badan goolkan ku dhaliyay xidiga ree Argentina ee M. Lanzini kaas oo u awood sheegtay difaaca da’yarka ah ee Joe Gomez oo ay West Ham bartilmaameed ka dhigatay wuxuuna Lanzini ciyaarta ka dhigay 2-1 ay wali Reds hogaanka ciyaarta ku hayso.

DAQIIQADII 56 AAD Alla maxay jawaab deg deg ah ahayd!  Oxlade-Chamberlain ayaa si deg deg ah jawaab ugu celiyay Lanzini wuxuuna  Oxlade-Chamberlain si qurux badan uga faa’iideeyay kubbad layaableh oo uu Roberto Firmino ka soo shaqeeyay laakiin darbada hore Joe Hart ayaa iska joojiyay balse  Oxlade-Chamberlain ayaa markiiba si deg deg ah u raacay kubbada wuxuuna dhaliyay goolka uu sida cajiibka ah Liverpool ugu soo celiyay labadii gool ee ay hogaanka ku ilaashanayeen waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Liverpool hogaanka ku sii dheeraysatay.

Tababaraha culayska wayni saarnaa ee Bilic ayaa awoodiisa weerar iskugu geeyay wuxuuna kaydka uga yeedhay Arnautović waxayna West Ham bilawday in ay markale si xoogan u raadiso goolal kale waxayna cadaadis badan saareen difaaca Reds laakiin xaalada ayaan noqon mid West Ham caawisay.

DAQIIQADII 75 AAD Liverpool ayaa si rasmi ah ciyaarta hurdada ugu dirtay kadib markii uu Mohamed Salah uu si qurux badan u dhamaystiray kubbad min qiyaas ku socotay oo uu ka helay Sadio Mane oo burburiyay difaaca West Ham wuxuuna Salah ciyaarta markan ka dhigay 4-1 ay Reds ku dubanayso West Ham oo ay marti u ahayd.

Intaa wixii ka danbeeyay ciyaarta ayaa iska noqotay sidii tababar oo kale waxayna si joogto ah Liverpool u abuuraysay fursado ay goolal badan ku dhalin kartay balse waxay u muuqdeen kuwo aan markan fursadaha ka faa’iidayn.

Klopp ayaa Sadio Mane, Oxlade-Chamberlain iyo Roberto Firmino badalay dhamaadkii ciyaarta isaga oo kaydka uga yeedhay Solanke, Milner iyo Livern waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 4-1 ay Liverpool ku soo xasuuqday West Ham isla markaana ay ku soo heshay saddex dhibcood oo muhiim ah.

By:Abdirisak(BulBul)