Hordhac: Wax Walbo Ood Ugu Baahan Tahay Kulanka Adag ee Galapta Dhaxmarri Doona Man City VS Arsenal.

0
265

Kulanka Adag ee u dhaxeeya kooxaha Man city vs Arsenal waa kulan isbuucan ugu adag ee lasu gaayo in laciyaaro.

Kooxda Man city ayaa sanadkaan waxay tahay koxda aan laga badin xilli ciyaareyd kaan kaliya ey hal kulan bar-baro ey galeen waana hogaa miyasha ciliyaareedkan waxay lee yihiin dhibca gaaraya 28dhibcood.

WAQTIGA:5:15PM Dhanka geska Africa

GAROONKA: Etihad Stadium

GARSOORAHA: Oliver

 

MAXAA KA CUSUB?
Manchester City ma qabto wax dhaawacyo cusub ah oo ay ka walwalaan laakiin tababare Pep Guardiola ayaa laga yaabaa inuu isku shaandheyn ku sameeeyo kooxdiisa ka dib guushii ay habeenkii Arbacada ka gaareen Napoli.

Weeraryahan Gabriel Jesus ayaa kaliya ciyaaray shan daqiiqo isagoo bedel ku soo galay kulankii Italy ka dhacay waxaana laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto shaxda si la mid ah Kyle Walker iyo David Silva.

Saed Kolasinac ayay u badan tahay inuu ka soo kabsan doono dhaawac sinta ah si uu ugu soo bilowdo shaxda Arsenal ka dib markii uu dhaawac ku baxay kulankii Swansea ee isbuucii la soo dhaafay.

Shkodran Mustafi, Santi Cazorla, Danny Welbeck iyo Calum Chambers ayaa dhamaantood ku maqan dhaawacyo kala duwan.

SHAXDA MACQUULKA AH:
Manchester City (4-1-3-2): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Otamendi, Fabian Delph; Fernandinho; Leroy Sane, David Silva, De Bruyne; Sergio Aguero, Gabriel Jesus.

 

Arsenal ( 3-4-3): Petr Cech; Monreal, Mertesacker, Koscielny; Saed Kolasinac, Xhaka, Aaron Ramsey, Hector Bellerin; Sanchez, Lacazette, Mesut Ozil

MA OGTAHAY?
Guusha kaliya ee ay Manchester City ka gaartay Arsenal muddo sagaal kulan ah waxa ay aheyd markii ay 1-0 kaga badiyeen Etihad Stadium xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Arsenal ayaa haatan dhalisay ugu yaraan labo gool sideed ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen City.