Hordhac: Realmadrid Vs Las Palmas, “Realmadrid waxay Ubaahan tahay Guul haddii Ey Rajo kaleedahay Ku Guuleysiga Horyalka”

0
110

Kooxda Real madrid ayaa cawa marti galin doonta kooxda Las palmas Ciyarta waxa ey kadhici doontaa garoonka Santiago Bernabeu iyagoo raadinaya inay soo kabsadaan ka dib guuldarooyinkii ka soo gaaray Tottenham iyo Girona isbuucii la soo dhaafay.

Kooxda Zinedine Zidane ayaa baadigoobeysa inay dib u soo kabsato ka dib labo guuldarro oo soo gaaray isbuuc gudahiis. Ka dib natiijooyin fiican oo ay gaareen bishii October, kulamadii ugu danbeysay ee Real ayaa noqday kuwa meesha ka saaray shaqadoodii hore, waxaana ay kaalinta labaad haatan kaga jiraa Group-kooda Champions League halka ay horyaalka kaga jiraan kaalinta afaraad iyagoo 11 dhibcood ka danbeeya kooxda hogaamineysa horyaalka ee Barcelona.

MAXAA KA CUSUB?

Iyadoo ay ka maqan yihiin Raphael Varane, Gareth Bale, Mateo Kovacic, Dani Carvajal iyo Keylor Navas, tababare Zidane ayay u badan tahay inuu soo xusho shax la mid ah tii uu kala hortagay Tottenham kulankii Champions League ee habeenkii Arbacada. Gareth Bale ayaa la filayaa inuu soo laabto kulanka adag ee Atletico Madrid ee labo isbuuc ka dib la ciyaarayo, halka Kovacic ay u badan tahay inuu isna kulankaas taam u noqon doono.

Carvajal ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib qaliin yar oo wadnaha looga sameeyay, laakiin in muddo ah ma soo laaban doono iyadoo Real Madrid ay qaadeyso talaabo kasta oo macquul ah oo ay ku hubinayaan inuu daafaca midig u soo kabsaday si qumaati ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid (4-3-1-2): Casilla; Achraf, Nacho, Sergio Ramos, Marcelo; Luka Modric, Toni Kroos; Isco; Cristiano Ronaldo, Karim Benzema.

Las Palmas (4-3-3): Lizoain; Macedo, Lemos, Bigas, Castellano; Viera, Aquilani, Gomez; Remy, Callero, Vitolo.

By:Abdirisak(Bulbul)