DONALD TRUMP ” Xiriirka U Dhaxeeya Japan Iyo Mareynkanka Waa Mid Aad U Wanaagsan”

0
187

Madax weynaha Mareykenka Donald Trump ayaa safarkisii ugu horeeyay qaarada Asia ku tagay wadanka Japan.

Mr Trump oo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Japan kula hadlayay saldhiga Yokota oo u dhaw magaaladda Tokyo ee Caasimadda Dalka Jabaan ayaa ammaanay isbahaysiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Japan oo uu sheegay in uu yahay mid wanaagsan.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa intaa ku daray in militariga ay haystaan dhaqaalihii loo baahnaa si ay nabadda u ilaaliyaan islamarkana ay xorriyadda u difaacaan.

Booqashada madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kacsan tahay xiisadda barnaamijka Niyukleerka iyo tijaabada gantaaladda Kuuriyada Waqooyi,welina majiraan wax war ah oo uu ka yiri arrintaasi Kuuriyada Waqooyi.

Labada madaxweyne ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa horey  waxa ay isu waydaarsadeen hanjabaado iyo hadalo kulul kuwaasi oosaxaafadda adduunku ay isku marinayeen.

Waxaa ay noqon doontaa booqashadii ugu dheereyd ee uu madaxwayne Mareykan ah ku tago dibadda muddo 25 sano ah.

Madaxwyen Trump ayaa Booqashadiisa oo qaadan doonta 11 maalmood waxa uu ku tagi doonaa dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo Philippine,isagoo xoojinaya xiriirka kaladuwan ee ka dhexeeya wadamadaasi.

Madax weyne Trump ayaa noqday 25sano kadib madax weynihii ugu horeeyay oo mareykan oo booqasho kutagaya qaarada Asia

By:Abdirisak (Bulbul)