Shabakada Don Bolon Oo Ogaatay Waqtiga Uu Neymar Ku Biiro Doono Real Madrid.

0
490

Shabakada Don Bolon, oo kasoo baxda dalka Spain ayaa waxay sheegeysaa inay ogaatay waqtiga uu Neymar ku biiro kooxda Cad Cadka, ee ka dheesha Horyaalka La Liga, oo ah kan labaad ee ugu xiisaha badan Yurub.

Neymar, oo haatan kan ugu qaalisan aduunka, ayaa waxaa mudooyinkii dambe aad loo hadalhayay inay isku dhaceen macalinka kooxdiisa, islamarkaana uusan ku faraxsaneen nolasha Magaalada Paris.

Wararka Faransiiska laga helayay, waxay shaaca ka qaadayeen in Neymar laga yaabo inuu kusoo laabto La Liga, asigoona ku biiri doonin Barca, uuna bedali doono weeraryahanka Madrid, ee Ronaldo.

Hadaba, Don Bolon, ayaa waxay sheegeysaa in Neymar, uu kusoo biiri doono Real, sanadka 2019-ka, markaas uu dhamaan doono heshiiska uu haatan kula jiro kooxdaas, kaasoo ah laba sano.

Neymar, oo sanadkan ugu biiray PSG, aduun dhan 222 Malyuun, waxaana uu dhaliyay shan gool, asigoona caawiyay goolal badan, waxaana haatan la sheegayaa in cago badan uusan ku taagneen.