XASAASI:Gudiga Gurmadka ee Putland oo soo gaaray Muqdisho”Sawirro”

0
111

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Galinkii dambe ee Sabtidii Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho’ujeedka imaashaha wafdigaan ayaa aheyd deeq lacageed oo ay ku wareejiyeen Wasaarada Gargaarka iyo Gudiga Gurmadka Qaranka.

Lacagta ayaana waxa ay katimid Bulshada Puntland ee ku dhaqan Gudaha dalka iyo dibada ,waxaana lacagtaan oo gaareysaa Nus-Milyan Dollar Gudiga Puntland ay ka soo uruuriyeen Bulshada ku nool deegaanada Maamulkaas Puntland.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland C/llaahi Cali Xirsi Timacade ayaa Suxufiyiinka kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka nimid Puntland agaar ahaan Boosaaso, waxaana halkaan u joognaa in dowladda Soomaaliya aan ku wareejino deeq aan ugu talo galnay dadkii Walaalaheena ahaa ee ku waxyeeloobay qarixii Musiibada ahaa ee 14 Bishii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayuu yiri Wasiirka”

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiiboonka ayaa ee Xukuumadda Soomaaliya Cilmi Cumer Ceynsane ayaa dhankiisa ka mahadceliyay doorka ay puntland ka qaadaneyso gurmad loo fidinayo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Masiibadii Qaran ee Zoobe oo 14-bishii October halkaas oo dad badan ay ku le’deen.

Waa markii labaad oo ay Puntland deeq soo gaarsiiyo Guddiga Gurmad Qaran iyo Wasaarada Gargaarka tan iyo Markii Musiibada qaran,waxaa wali socda gurmadka qaran oo Soomaalida intooda badan  ka qeyb qaadanayaan Gurmadkaas.