Hordhaca: West Ham v Liverpool – Liverpool Oo Raadineysa Caawa Iney Guul ka Gaadho Koxxda West Ham.

0
222

Labo isbuuc ka hor ka dib guuldaradii ka soo gaartay Tottenham, Liverpool ayaa talaabo hore u qaaday ka dib markii ay labo kulan oo isku xigta oo gurigooda ah ay 3-0 ka kala badiyeen kooxaha Huddersfield iyo Maribor.

Waxa ay ku badiyeen 4-0 kulankii London Stadium ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay garoonkaan ku laabanayaan maanta iyadoo uu ka maqan yahay Philippe Coutinho, laakiin tababare Jurgen Klopp ayaa si weyn u doonaya inay kooxdiisa guul ku soo gaarto garoonka West Ham si ay dib ugu helaan kalsoonida ay ku badbaadin karaan xilli ciyaareedkooda.

 

MAXAA KA CUSUB?
Xiddiga kooxda West Ham Winston Reid ayaa ka soo laabanaya dhaawac kubka ah, halka Aaron Cresswell uu taam yahay inkastoo uu dhaawac uga baxay kulankii Crystal Palace ee Sabtidii.

Michail Antonio, Sam Byram, Jose Fonte iyo James Collins ayaa dhamaantood dhaawacyo qaba halka Pablo Zabaleta uu ganaax ku seegayo kulankaan.

Georginio Wijnaldum ayaa shaki uu ku jiraa taam ahaasnhihiisa sidaasi darteed waxaa laga yaabaa inuu Alex Oxlade-Chamberlain ku soo bilowdo kulankiisii ugu horeysay ee horyaalka ee kooxda Liverpool.

Philippe Coutinho ma ciyaari doono sababtoo ah waxa uu weli ku maqan dhaawac muruqa bowdada ah.

Sadio Mane ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawacii muruqa, waxaana laga yaabaa inuu maanta soo fariisto kursiga keydka.

 

SHAXDA MACQUULKA AH:
West Ham (3-4-3): Joe Hart; Kouyate, Reid, Ogbonna, Fernandes, Noble, Obiang, Cresswell; Ayew, Lanzini, Hernandez.

Liverpool (4-3-3): Mignolet; Moreno, Klavan, Matip, Gomez; Can, Henderson, Milner; Firmino, Sturridge, Salah

MA OGTAHAY?
Midkoodna 12kii kulan ee Premier League ee marti loo ahaa West Ham kuma dhamaanin barbaro – West Ham ayaa badisay afar kulan halka Liverpool ay badisay sideed kulan mudadaas, waxaana barbaro ay ku galaan guriga West Ham ugu danbeysay bishii December 2001 markaasoo ay 1-1 ku kala baxeen.

Liverpool ayaa 4-0 ku badisay kulankii London Stadium ee bishii May, waana guushoodii ugu weyneyd ay West Ham uga gaaraan gurigooda tan iyo bishii Janaayo 1976.

Liverpool ayaa laga badiyay seddex ka mid ah lixii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen kooxda West Ham.

By:Abdirisak Abukar ALi (BulBul)