Hordhac: Kulanka adag ee udhaxeeya Borrusia Dortmund vs Bayern Munich Wax walbo Ood Ugu Baahan tahay ka Hor caawa

0
227

Kooda Borrusia Dortmund ayaa soo dhaweyneysa kooxda hogaamineysa horyaalka Bundesliga sidoo kalana ah difaacdayaasha kulan ka tirsan horyaalka, waxeyna kusoo aadeysaa ciyaartaan xilli kooxda Dortmund ay ku jirto marxalad aan wanaagsaneyn.

Wiilasha macalin Peter Bosz waxey ku jiraan waqti niyadjab madama ay heleen 1-dhibic oo qura sadexdii ciyaarood ee ugu dambeysay Bundesliga – sidoo kalana ay kaliya 2-dhibcood heleen afartii kulan ee ay ciyaareen Champions League.

Dhanka kale Bayern Munich markii ugu horeysay ayey ku fariisatay hogaanka Bundesliga, balse waxey sameysay soo rogaal celin fiican tan iyo markii kooxda loo dhiibay Jupp Heynckes, sidoo kalana waxey hormar ka sameeyeen Champions League iyagoo garaacay Celtic sidoo kalana usoo baxay wareega 16-ka.

 

Shaxda Macquulka Ah:

Borrusia Dortmund: Bürki – Bartra, Sokratis, Toprak, Schmelzer (c) – Castro, Weigl, M. Götze – Yarmolenko, Aubameyang, Philipp

Bayern Munich: Ulreich – Rafinha, Boateng, Hummels, Alaba – Martinez, Rudy – Robben (c), Thiago, Coman – Lewandowski

Xaqiiqooyinka Kulanka:
Markii ugu horeysay ayey Bayern Munich hogaanka Bundesliga la wareegtay iyadoo 10-kulan la ciyaaray.

Jupp Heynckes wuxuu noqday tababarahii ugu horeeyay ee dib ugu soo laabta Bayern isla markaana aan gool laga dhalin 3-da kulan ee ugu horeeya Bundesliga.

Heynckes guuldaro lama kulmin 28-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu maamulo Bayern Munich kulamada Bundesliga 24-guul iyo 4-barbaro.

Borrusia Dortmund kaliya 1-dhibic ayey heshay sadexdii ciyaarood ee ugu dambeysay La Liga, waxana laga dhaliyay 9-gool, waana waqtigii ugu xumaa tan iyo 2014/2015.

Pierre-Emerick Aubameyang iyo Lewandowski waxey si wadajir ah hogaaminayaan gooldhalinta Bundesliga, balse tan iyo markii ay bilaabeen iney ka wada ciyaaraan horyaalka 2013. waxey wada dhaliyeen 202 gool (Lewy 107-gool – Aubameyang 95-gool).