Hordhac: Barcelona vs Sevilla: Barcelona Oo Dooneysa Iney Sii Wadato Rikoorkeeda Guuldaro La’aanta Ee Horyaalka La Liga.

0
193

Barcelona ayaa dooneysa iney sii wadato rikoorkeeda guuldaro la’aanta ah ee horyaalka La Liga – iyadoo ka warqabta dhibta ay leedahay in lala ciyaaro kooxda Sevilla oo si meel dhexaad ah isaga bilaabatay kulamada horyaalka xilli ciyaareedkaan.

Balaugrana kaliya waxey hakad la kulantay kulan ay bishii lasoo dhaafay marti u noqotay kooxda Atletico Madrid markaas oo 1-1 lagu kala baxay 9-jeerna wey adkaatay taasoo ka dhigan iney 28-dhibcood ku hogaamineyso horyaalka.

Ernesto Valverde wuxuu wajahayaa mid ka mid ah tijaabooyinka ugu adag ee horyaalka La Liga ka hor kulanka El-Clasico ee dhici doona maalmo ka hor fasaxa ciida masiixiga.

 

Shaxda Macquulka Ah:
Barcelona:

Ter Stegen; Alba, Umtiti, Semedo, Mascherano; Busquets, Paulinho, Suarez; Deulofeu, Suarez, Messi

Sevilla:

Rico; Kjaer, Lenglet, Escudero, Mercado; Nzonzi, Banega, Pizarro; Sarabia, Nolito, Yedder

Xaqiiqooyinka Kulanka:
Sevilla waxaa loo tixgelinayay shantii sano ee ugu dmabeysay iney ka mid tahay kooxaha ugu waaweyn La Liga – balse Los Rojiblancos waxey kala kulantay kooxda ay caawa martida u tahay natiijooyin aan qurux badneyn.

Shantii sano ee ugu dambeysay labada kooxood waxey ciyaareen 15-kulan dhamaan tartamada oo dhan, Sevilla ayaana gaartay kaliya hal jeer, waana ciyaar dhacday October 2015 markaas oo la isku arkay garoonka Ramon Sanchez Pizjuan. 11-guuldaro ayeyna gudoontay waqtigaas.

Sevilla sidoo kale waxey guuldaro soo qaadatay shantii kulan eeugu dambeysay kulamada La Liga ee ay booqato Camp Nou – 17-gool ayaa laga soo dhaliyay, sanadkii 2002 ayaa ugu dambeysay iney kusoo adkaato garoonka Camp Nou.

By:Abdirisak Abukar ALi (BulBul)