DEG DEG: Dowlada Mareykanka oo ku amray Muwaadiniintiisa inay kasoobaxaan Soomaaliya.

0
96

Dowladda Mareykanka ayaa ku amartay dhammaan muwaadiiniinta kasoo jeedda dowladda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya in ay si deg deg uga soo baxaan Magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay Howlgalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhamaan shaqaalaha Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Muwaadiniinta kale inay isaga baxaan Muqdisho illaa amar dambe.

Waxaa lagu sheegay warka in ay muhiim tahay in la badbaadiyo Shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

“Soomaaliya weli waa mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan adduunka. Maraykanku ma lahan safaarad laga soo bilaabo 1991 waxana uu ku baaqay ammaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa bishii lasoo dhaafay waxaa dhacay weerarkii ugu xumaa ee ka dhaca dalka, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof.