Daawo Sawirada:Santi Cazorla oo soo bandhigay Sawiro aad looga Naxay

0
188

Cayaaryahanka kooxda Arsenal Santi Cazorla ayaa awood u yeeshay inuu lugihiisa ku socon karo, muddo kaddib markii laga dawynayay xanuun halis ah oo ka haleelay lugta midig, taas oo uu ku sigtay in laga jaro.

32 jirkan oo dhaawac muddo dheer ah kaga maqnaa Arsenal, ayaan garoomada lagu arag tan iyo October 2016, waxaana laba bilood kaddib markii uu dhaawacu haleelay lagu sameeyey qalliin kuraanta ah.

Kaddib siddeed qalliin oo kala duwan ayaa lagu sameeyey, taasina waxay sababtay in infection uu ka galo lugta, taas oo halis gelisay naftiisa.

Cazorla oo u warramay wargeyska Marca, ayaa waxa uu sheegay in boqonta lugta midig uu ka galay infection burburiyey carjawda xidhiidhisa lugta, laakiin dhakhaatiirta ayaa daaweyn muddo dheer qaadatay kaddib ku guuleystay inuu lugihiisa ku socon karo.

May 29, ayaa lagu sameeyey qalliin kale oo lagu dhisayo boqonta lugta, waxaanay taasi u saamixi doontaa inuu kubadda ciyaari karo sannadka cusub ee 2018.

By:Abdirisak Abukar ALi (BulBul)