CR7 Oo Kashifay Sababta Uusan Uga Daalin Guusha & Shaqada Uusan Dooneen Inuu Qabto.

0
162

Laacibka afka hore kaga dheela naadiga Real Madrid, ee Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu wareysi uu siiyay Shirkada NIKE, wuxuu kaga hadlay arimo kala duwan kuwaasoo ku saabsan nolashiisa mustaqbalka.

Ronaldo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday ugu horeyn, in uusan marnaba dooneen inuu noqdo tababare, taasi bedalkeeda uu doonayo inuu sii ahaado sida uu haatan yahay, taasoo ah inuu ciyaaryahan uu sii ahaado.

“Wey adag tahay in la saadaaliyo waxa aad sameyn rabto musaqbalka, balse, hal arin ayaan kuu cadeynayaa taasoo ah in aanan marnaba dooneen inaan noqdo tababare kooxeed,” ayuu sii raaciyay.

“Ma hubo inaan sii ahaan doono mid dhalinyaro ah, mana arko sabab aan u noqdo macalin,” ayuu carabka ku adkeeyay laacibka jooga dheer ee Boqorada Horyaalka La Liga, e Ronaldo.

Dhinaca kale, Ronaldo ayaa wuxuuu soo bandhigay sirta ku aadan in uusan ka daalin guusha, waxaana uu sheegay inuu leeyahay tayo badan, islamarkaana taasi ay ka caawisay inuu shaqo adag uu qabto.

“Waxaan mar walba ahay midka isaga isdhiiro giliya, waxaana jeclahay inaan dheelo kubada cagta, anigoo ah, mid leh tayo, hadii aadan lahayn waxaad iska hilmaamtaa inaa dheesho kubada cagta,” ayuu yiri Ronaldo.

“Waxaan kuu sheegayaa inaan leeyahay tayo, hadii aadan lahayn tayo wax badan ma sameyn kartid, sidaas darteeda, waxaan dheelaa kubada cagta waxaana qabtaa shaqo adag,” ayuu ku sharaxay Cr7.