Barcelona oo 4 laacib dalbatay haddii ay weyso saxiixa Philippe Coutinho.

0
128

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay raadin doonto 4 laacib oo Liverpool kubad qaabeeyaheeda Philippe Coutinho u beddeli kara haddii ay isaga qaadan weyso.

Kooxda Catalan ayaa la sheegayaa in ay ku fashilantay soo qaadashada Coutinho xagaagii hore, xataa iyadoo laacibku kooxdiisa ka dalbaday in laga iibiyo naadigaas.

Balse Barca weli kama aysan quusan in ay hesho Coutinho oo ay kasoo dejiso garoonka Nou Camp.

Si waliba, Ernesto Valverde ayaa diyaariyay qorshe ay kusoo qaadan doonaan 25-jirkan, balse Barcelona haddii ay weyso wuxuu wargeyska Sport warinayaa in 4 nin ay beddelkiisa u raadsatay.

Barca waxay isku deyi doontaa soo helidda Leon Goretzka iyo Max Meyer oo ka wada tirsan Schalke, Goretzka doonistiisa waxaa kula jira Liverpool iyo Juventus sidoo kale Julian Brandt oo ka tirsan Bayer Leverkusen iyo Thomas Lemar oo u ciyaara Monaco, kaasoo ay sidoo kale ku heystaan kooxaha Liverpool iyo Arsenal.

By:Abdirisak Abukar ALi (BulBul)