Al-Shabaab Oo Sheegtay In Ay Dileen Ciidamo Ka Tirsan Koonfur Galbeed.

0
109
Al Shabaab soldiers patrol in formation along the streets of Dayniile district in Southern Mogadishu, March 5, 2012.REUTERS/Feisal Omar

Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku qoreen in ay Askar ka tirsan Ciidamda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku dileen gobolka Bakool.

Waxa ay sheegeen in ciidamadaas xili ay marayeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Xudur iyo Bardaale ee Gobolka Bakool ay Wadada u galeen taas oo keentay in ay dilaan ilaa 5 askari sida ay hadalka u dhigeen.

Al-Shabaab waxa faah faahin dheeraad ah maka bixin weerarkaas ay sheegeen in ay ku qaadeen ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale Dalsan ayaa xiriir la sameysay Maamulka Gobolka Bakool si ay wax uga weeydiiso weerarkaas balse uma  suurtagelin in ay helaan.

By:Abdirisak (BulBul)