25 sano Kadib Donald Trump Waxaa Uu Noqday M/Weynihi Ugu ee Mareekan Oo Booqasha Kutaga Asia.

0
121

Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay booqasho uu ku tagaayo dalal dhowr ah oo ku yaalla Qaaradda Asia.

Waxaa uu ku tagi doonaa dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo Philippine.

Booqashada Trump oo qaadan doonta 11 maalmood,Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu dheereyd ee uu madaxwayne Mareykan ah ku tago dibadda muddo 25 sano ah.

 

Mr Trump ayaa lagu wadaa in Kuuriyada Waqooyi iyo Japan uu u muujiyo midnimo iyo in ay hal dhinac ka soo wada jeedaan.

Madaxwayne Trump ayaa la filayaa in Shiinaha uu ku cadaadiyo in ay mowqif adag ka qaataan xukuumada Pyongyang.

Xilligii ugu dambaysay oo madaxwayne Mareykan ah uu booqasho sidan u dheer uu ku tago wadamada Eeshiya ayaa ahayd mar madaxwayne George HW Bush uu booqday dabayaaqadii sanaddii 1991 iyo horraantii 1992.

By:Abdirisak Abukar ALi (BulBul)