Tababaraha Kooxda Chelsea Jose Mourinho Maanta Oo Jimce Ah Ka Soo Hormuuqday Maxkamada Madrid.

0
148

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa maanta oo jimce ah soo gaadhay caasimada dalka Spain ee Madrid halkaas oo uu kaga soo hormuuqday maxkada ku soo eedaysay in uu cashuur ka lunsaday waaxda cashuuraha dalka Spain muddadii uu maamulalayay kooxda Real Madrid.

Jose Mourinho ayaa lagu soo eedeeyay in uu lunsaday lacag 3.3 milyan euros ah oo u dhiganta 3.8 milyan dollars muddadii u dhexaysay 2011 ilaa 2012kii.

Jose Mourinho ayaa maanta oo jimce ah ka soo xaadiray maxkamada Pozuelo de Alarcon halkaas oo lagu dhegaystay kiiska cashuur lunsiga ah ee 54 sano jirkan ree Portugal loo haysto waxayna dhegaysiga dacwada Mourinho ku soo beegantay 48 saacadood ka hor marka uu Stamford Bridge dib ugu laaban doono ee y kooxdiisa Manchester United la soo ciyaarayso Chelsea.

 

Jose Mourinho oo ku labisnaa suudh bilaa tay ah ayaa ka maxkamada Pozuelo de Alarcon ka soo galay albaabka wayn isaga oo aan la socon qareenadiisa oo maxkamada xili hore sii tagay waxayna xeer ilaaliyaasha ree Spain markii ugu horaysay ay Mourinho iyo qareenadiisa su’aalo ka waydiiyeen dacwada cashuur linsi ee loo haysto.

Xafiiska xeer ilaalinta Spain ayaa Mourinho ku soo oogay danbi ah in uu sanadkii 2011 kii uu lunsaday 1.6 milyan euros halka sidoo kale lagu soo eedeeyay in uu sanadkii 2012 kii uu cashuur ahaan u lunsaday 1.7 milyan euros, wuxuuna kiiskan qayb ka yahay la dagaalantii cashuur lunsiga shaqsiyaad magac wayn ku leh kubbada cagta oo ay ugu horeeyaan Lionel Messi , Neymar iyo Cristaino Ronaldo oo aanu wali isaga kiiskiisu dhamaan.

Jose Mourinho ayaa markii uu maxkamada soo gaadhay aan saxaafada la hadlin laakiin waxaa la filayaa in qareenadiisu ay war saxaafadeed soo saari doonaan haddii ayna suurtogal noqon in Mourinho uu saxaafada la hadlo balse waxa uu kiiska Mourinho u muuqdaa mid uu isaga laftiisu xalin karo haddii uu ogolaado in uu lacagta ku baaqatay iyo waliba dulsaarkii lacagtan uu bixiyo.

Wargayska Express ee England ka soo baxay ayaa sheegay in Jose Mourinho uu ogolaaday in uu bixiyo lacagtan si loo xaliyo dhibaatada sharci ee kaga soo furantay dalka Spain.

Jose Mourinho iyo Cristiano Ronaldo ayaa kiiskooda cashuur lunsi waxaa shaaciyay sir faafiyaha Football Leaks taas oo keentay in xeer ilaalinta Spain ay kiiskan baadhitaan ku sameeyaan iyaga oo markii ay xaqiijisteen danbiyadan dacwado soo oogay.

Wixii ka soo kordha kiiska maxkamadaynta Jose Mourinho uu maanta kaga soo muuqday maxkamada Madrid ee dalka Spain waxaad insha Allah kula socon doontaan wararkeena soo socda.