Raisul wasaare dhowaan xilka laga xayuubiyey oo xabsi loo qalqaalinayo.

0
93

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa maxkamad la soo taagay isagoo loo haysto labo dacwadood oo musuqmaasuq la xiriira.

Isaga iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa wajahaya dacwado la xiriira hanti ay ku leeyihiin magaalada London oo lagu muransan yahay halka ay keeneen.

Dhamaantood way diideen in ay wax khalad ah sameeyeen, dadka taageersanna waxay sheegayaan in dacwadahani ay siyaasadaysan yihiin.

Maxkamadda ayaa amartay in waaxda qaran ee isla xisaabtanku ay baaritaan ku samayso dhaqaalaha qoyska Sharif, dacawadna ku soo oogaan.

Sharif oo 67 jir ah ayaa banneeyay Ra’iisul wasaarenimada bishii Luulyo ka dib markii maxkamadda ugu saraysa Pakistan ay xilka ka xayuubisay, markii ay ku heshay inay jiraan dhaqaale soo galay oo aysan caddayn meesha uu ka helay.