Hogaamiyaha Jabhadii ugu waqtiga dheereyd caalamka oo isu soo sharaxay Madaxweyne.

0
98

Rodrigo Londoño oo 58 jir ah, kaasoo heshiis nabadeed la saxiixday dowladda Colombia, jabhadiisana ay hubka dhigtay ayaa sheegay inuu isu soo sharaxayo xilka Madaxweynaha dalkaas.

Maadaamaa dad badan oo reer Colombia ah aysan jecleyn inay arkaan jabhad madaxweyne u noqday waxaa aad u yar Fursadihiisa inuu guuleysto.

Xisbiyada gacanta midig ayaa iyaguna diidanaa in hoggaamiyahan loo ogolaado in uu is sharaxo isaga oo aanan marka hore xabsi u galin dambiyadii uu galay.

Illaa 260,000 qof ayaa lagu dilay dagaalkii sokeeye ee dalka Colombia, halkaasoo jabhadda Farc ay ka dagaalamaysay muddo aad u dheer oo 50 sano ah.

Ninkan ayaa madaxnimada jabhadda Farc kala wareegay hoggaamiyihii hore Alfoso Cano oo ciidammada dowladda ay ku dileen duqeyn, markii uu xilka qabtayna waxa uu muujiyay in uu diyaar u yahay wada hadal.

Afar sano oo wada hadal ah kadib ayay heshiis wada saxiixdeen dowladda, balse dadweynaha Colombia ayaa afti ku diiday heshiiska. Kadib ayaa heshiiskii oo wax laga badalay mar kale la saxiixay 2016-kii, waxaana ansixiyay aqalka baarlamaanka dalkaas.

Doorashooyinka Colombia ayaa wareegga hore la qaban doonaa 27-da May, 2018-ka, iyada oo madaxweynaha hadda jooga Santos uusan tartami doonin.