Guddoomiyaha Gobalka Sh/Dhexe oo baaq u diray shacabka?

0
131

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan Gobolka looga baahan yahay in ay ka wada qeyb qaataan sugidda amniga.

Wuxuu sheegay sidoo kale shacabka in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Gobolka oo ay iskaalmeeyaan, aysana wax ka sugin gacan shisheeye iyo Hay’adaha caalamiga ah.

“Inaan wax qabsano annaga ayay na anfaceysaa, hadaanan waxba qabsan, dhibaatooyin ayaa na soo wajahaya, horu u socodna ma lahaan doono, Gobolka Beeraley ayay u badan yihiin, waa inaan dhulkeena wax ku beeranaa.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.

Axmed Meyre Makaraan Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhowaan booqday degmooyinka Warshiiq iyo Balcad, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada.

By:Abdirisak Abukar ALi (BulBul)