Gareth Bale Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Buuxa Ee Real Madrid.

0
370

Real Madrid ayaa war fiican ka heshay xaalada dhaawicii uu Gareth Bale kooxdeeda kaga maqnaa wuxuuna xidiga ree Wales uu si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Los Blancos isaga oo isku diyaarinaya in uu safto kulanka horyaalka La Liga ee ay Madrid soo dhawayn doonto kooxda dhibtoonaysa ee Las Palmas.

Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo wali sharaxaadu raadinaysa labadii guuldaro ee xidhiidhka ahaa ee ka soo gaadhay kooxaha FC Girona ee horyaalka La Liga iyo Tottenham oo ay guuldaro 3-1 ah kala soo laabtay kulankii Champions Leaque.

 

Zidane ayaa doonaya in kooxdiisu ay ka soo kabsato xaalada xun ee ay usbuucii la soo dhaafay ku soo qaadatay wuxuuna daawanayay Gareth Bale oo si buuxda u qaadanaya tababarka kooxdiisa inkasta oo uu wali taxadar ka muujinayo in uu garoomada kula soo deg dego.

Tababarkii maanta oo jimce ahayd ayuu Gareth Bale si buuxda ula qaatay ciyaartoyda kooxdiisa Madrid oo si wayn uga shaqaynaya in ay ka baxaan xaalada murugada badan ee ay ku soo qaateen usbuucan.

Gareth Bale ayaa kooxdiisa Real Madrid dhaawac kaga maqnaa an iyo kulankii Champions Leaque ee kulankii Borussia Dortmund wuxuuna hadda rajaynayaa in uu dib ugu soo laabto kooxda Zidane si uu qayb uga noqdo samatabixinta Los Blancos.

 

Tababaraha xulka qaranka Wales ee Chris Coleman ayaa xaqiijiyay inuu doonayo in liiska ciyaartoyda uu u soo xulan doono xulkiisa kulamada saaxiibtinimo ay la ciyaari doonaan France iyo Panama uu qeyb kaga soo dhigayo Gareth Bale, lakiin wuxuu sheegay inuusan kuladan si buuxda uga soo muuqan doonin, isaga oo tilmaamay inuu qeyb kaga dhigi doono 10 ama 20 daqiiqo hadii uu ciyaari karo kulamadan.