Xaalada Boosaaso oo Maanta Degan,kadib Banaanbax shalay ka dhacay Magaalada.

0
126

Wararka Naga soo gaaraya  Magaalada Boosaaso xarunta gobalka barri ayaa sheegaya in xaalada magaalada ay tahay maanta mid degan,kadib markii shalay Banaanbaxyo rabshado wata uu ka dhacay magaalada Boosaaso,kaasi oo loogu soo horjeeday Shirkad laga leeyahay Wadanka Imaaraadka Carabta,taasi oo maamusha Dekeda Boosaaso.

Sidoo kale Ganacsatada iyo Maamulka Puntland ayaa la sheegay in heshiis KMG ah ay  ka gaareen khilaafka, waxaana lagu heshiiyay in dib loo furo Dekeda muddo 10 maalmood ah.Wasiirka Dekadaha iyo amaanka Badda ee Puntland oo la hadlay Saxaafada  ayaa ku baaqay in banaanbaxyada la joojiyo waxa uuna sheegay in aysan jirin Cabashada ay qabaan Shacabka balse ay tahay arin ay soo abaabuleyn kooxo mucaarad ah.

Hayeeshee ganacsatada Shalay Banaanbaxa Dhigayay ayaa waxaa ay walaac ka muujinayeen canshuurta oo lagu kordhiyay,taasi oo ay sheegeen inay u dulqaadan waayeen,Ganacsatada wax kala soo dega dekeda Magaalada boosaaso ee Gobalka Barri.