Shariif Xasan oo culeys Siyaasadeed uu ka soo wajahay Baarlamanka Maamulkiisa.

0
227

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa soo wajahay culeys siyaasadeed oo aad u culus.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Maamulka Koonfur galbeed oo tiradooda lagu sheegay 50 ayaa saxiixay mooshin la doonayo in xilka looga qaado Shariif Xasan.

Xunbaha wada Mooshinka ayaa ku eedeeyey Shariif Xasan arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin, waxqabad la’aan, wada shaqeyn xumo, xil gudasho la’aan iyo kuwo kale.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka jiray hadal heyn badan oo ku saabsan mooshinkan ay wadaan xildhibaanada ka tirsan Baarlamanka Koonfur galbeed, iyadoo aragtiyo kala duwan laga bixinayey.

Kala qeybsananaan xooggan ayaa laga dareemayaa Baarlamanka Koonfur galbeed, iyadoo dhinaca kale Xildhibaano taageersan Shariif Xasan ay magaalada Baydhabo ka wadaan xusul duub iyo kulamo ay kaga hor tagayaan xildhibaanada mooshinka wada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa xiligan ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb galaya shirka u socda madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.