Sergio Aguero Oo Noqday Gooldhaliyaha Ugu Sareeya kooxda Manchester City Taariikhda.

0
128
Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa noqday gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxdiisa kadib markii uu soo taabtay shabaqa goolhaye Pepe Reina intii ay socotay ciyaartii ay 4-2 kaga adkaadeen kooxda Napoli.

Manchester City ayaa xaqiijisay iney usoo baxdo wareega 16-ka koobka horyaalada yurub markii ay gaartay guushii 4-aad oo xiriir ah, balse habeen khaas ah waxey u aheyd Aguero oo dhaliyay goolkii 178-aad ee kooxdiisa isagoo dhaafay Eric Brook kaas oo rikoorkaan muddo ka badan nus qarni heystay.

Garoonka Stadio San Paolo marnaba ma iloobi doono Sergio Aguero wuxuuna xaqiijiyay inuu siin doono maaliyadiisa wiilkiisa – waana xusuus weyn madama wiilkiisa uu awoowe u yahay Diego Maradona oo boqor ka ah kooxda Napoli iyo garoonka ku yaala koonfurta wadanka talyaaniga.

“Aad baan u faraxsanahay waqti xaadirkaan, waan faraxsanahay sababtoo ah kooxda waxey iga saaciday iney i taageerto, shaqaalaha iyo taageerayaasha, sidaas darteed waxaan rabaa inaan u mahad celiyo dhamaantood”

“Waa inaan ku raaxeystaa waqtiga, sababtoo ah waa kaliya hal waqti” ayuu yiri mar kale isagoo la hadlayay BT Sport.

“Napoli waa koox fiican, mar walba wey adag tahay inaad marti noqoto Champions League, aad baan ugu faraxsanahay guusha iyo soo bixitaanka. waa inaan joogteyno qaabkaan, isla markaana aan u ciyaarno sidaan kulan walba, xilli ciyaareedka waa mid dheer”

“Waxaan siin doonaa maaliyadaan wiilkeyga, wuxuuna igu weydiistay qoraal. qosykeyga ayaa iga soo wacay Argentina – weyna i daawanayeen”

Ugu dambeyntii Sergio Aguero wiilkiisa wuxuu dhashay kadib guurka Giannina Maradona oo ah gabar uu dhalay Maradona.