Mareykanka oo walaac ka muujiyay taageeradiisa Soomaaliya.

0
112

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay Walaac ka muujisay dhaqaalaha ay siiso dowladda Soomaaliya in uu gaaro dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

War kasoo baxay Laanta dabagalka gargaarka Mareykanka ee dibadda ayaa lagu sheegay in uu jiro shaki laga qabo in lacagta la siiyo dowladda Soomaaliya ay gaarto gacmo kale.

Laanta waxa ay sheegtay in walaaca uu yimid ka dib markii aysan kusoo laaban warbixinada gargaarka Mareykanka ee Soomaaliya sida loo bixiyay.

 

Laanta daba gasha gargaarka dibadda ee Mareykanka ayaa tusaale u soo qaadatay $66 Milyan oo uu mareykanka todobadii Sano lasoo dhaafay uu ku bixiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ,in aan lagu soo celin warbixintooda.

Dowladda Mareykanka ayaa xustay in ay suurtagal tahay in qeyb ka mid ah lacagtaasi ay gaartay Al-Shabaab,islamarkaana loo gudbiyay si dadban.

Waxa ay sheegtay in xukuumadda Washington ay ka fiirsan doonto dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya.