Madaxweyne Farmaajo oo telefoonka eykuwada hadleen dhigiisa C/fataax Al-Sisi. maxay kawada hadleyn?

0
180

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wadahadal qadka telefanka ah waxaa la yeeshay madaxweynaha Masaarida Cabdifataax Al-Sisi oo la soo xiriiray.

Wakaalada wararka Masar ee loo soo gaabiyo MENA ayaa faafisay in intii lagu guda jiray wadahadalka telefoonka, labada hoggaamiye ay ka wada hadleen qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka wadajirka ah iyadoo kor loo qaadayo iskaashiga labada dhinac ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Sisi ayaa carabka ku adkeeyay Arbacadii shalay inuu wadankiisa si adag u garab taagan yahay midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Waxay sidoo kale, isla soo hadal qaadeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Masar Cabdul-Fattah Al-Sisi horumaradii ugu danbeeyay ee Soomaaliya iyo dadaalka xukuumadda ugu jirto soo celinta amniga iyo xasiloonida

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Masar doorka taageerida wadankiisa ay ka siiso xasiloonida iyo adkeynta nabadgalyada.

Masar iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, kaasoo ku qotoma arimo badan oo ku saabsan iskaashi la xiriira dhinacyada Amniga, Waxbarashada, ganacsiga dhaqanka iyo arrimo kale.